Home News in English Barlamaanka Sweden oo Ansixiyay Sharciga keenista Qoysaska iyo Sharciga kumeel gaarka oo...

Barlamaanka Sweden oo Ansixiyay Sharciga keenista Qoysaska iyo Sharciga kumeel gaarka oo la kordhiyay

0

Barlamaanka Dalka Sweden ayaa maanta ugu danbeyn waxa uu u fadhiistay Sharciyada Dhanka Qaxootiga Dalka imaanaya waxana uu Ansixiyay Sharciyo Cusub isagoo kuwa hore ee ku meel gaarka ku daray labo sano oo dheeraad ah.

Sharciyada Maanta Barlamaanka uu balaariyay waxaa kamid ah Sharciyga kumeel gaarka ee Dalka ka jiray isagoo ku daray labo sano oo dheeraad ah sidoo kale dadka sharciga ku helay iskuulada sare ee shaqada helay ayaa loo ogolaaday in mudo dheer dalka joogi karaan.

Sharciga Mideynta ee Qoysaska ayaa kamid ah kuwa Barlamaanka uu go’aamiyay maanta waxana uu u codeeyay in dadka qaarkood ee heesta sharciga ku meel gaarka loo keeno qoysaskooda iyadoo loo eegayo dhibaatada ka jirta dalkiisa waxana dadkaasi kamid ah Suuriya.

Go’anka Barlamaanka Dalka Sweden waxaa ku kala qeybsamay Xisbiyada Dalka Labada Xisbi ee SD iyo M ayaa kasoo horjeestay Sharciyada iskuulada sare ee dowlada kordhisay maanta.

Hans Eklind oo ka tirsan Xisbiga KD ayaa soo dhaweesay Sharciga mideynta qoysaska iyadoo ku sheegtay in ay wanaagsantahay Caruurta oo Waalidkooda loo keeno.

Hay’ada Laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverket oo ka hadashay isbadalka Maanta ayaa sheegtay in go’anka Barlamaanka ee Qoysaska ay ka dhigantahay in 8,000 kun oo Qoysas ah ay soo gaarayaan Sweden Sadexda sano ee Soo Socota.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here