Home Wararka Caalamka Barlamaanka Holland oo Ansixiyay Sharci Cusub oo Qaxootiga lagu Adkeynayo

Barlamaanka Holland oo Ansixiyay Sharci Cusub oo Qaxootiga lagu Adkeynayo

0

Barlamaanka Dutch-ka ayaa Khamiistii ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muran dhaliyay oo looga dan leeyahay in lagu adkeeyo xannibaadaha saaran magan-gelyo-doonka, inkastoo ay walaac ka muujiyeen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka.

 

Sharcigan oo uu aqalka hoose meel mariyay fiidnimadii Khamiista dabayaaqadiisa, ayaa ka dhimay muddada sharciga degenaanshaha ku meel gaadhka ah ee magangalyada oo ahaa shan sano kaas oo laga dhigay saddex sano.

Barlamaanka ayaa Sheegay in Sharcigan uu Soconayo mudo aan la Cayimin iyadoo sidoo kale la adkeeyay Mideynta Qoysaska leesku keeno Dalkaasi waxaa intaasi dheer qofka hela Diidmada oo laga joojinayo Caawinaada ay ka helaan Hay’adaha ka dhisan Dalka.

Laanqayrta cas ee Nederland waxay ku qiyaastay in inta u dhaxaysa 23,000 iyo 58,000 oo qof ay hadda ku nool yihiin Nederland sharci la’aan.

Inkastoo hindise sharciyeedyada ay fasaxeen aqalka hoose, haddana waxaa laga yaabaa inay diidmo kala kulmaan aqalka sare ka dib fasaxa xagaaga. Haddii guurtidu xannibto tallaabooyinka, waxay ku laaban doonaan aqalka hoose si ay dib u eegis ugu sameeyaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here