Shalay oo Sabti ahayd, waxaa magaalada Mynttorget ee bartamaha magaalada Stockholm ka dhacay bannaanbax ay soo abaabuleen xisbiga Nyans ,
Banaanbaxa ayaa looga soo horjeeday xagjirka garabka midig ee Rasmus Paludan, oo maalmihii lasoo dhaafay ku gubay qaar kamid ah magaalooyinka dalka Sweden kutub kamid ah qur’aanka kariimka ah.
Boqolaal dadweyne ah ayaa ka soo qeyb galay banaanbaxa, kuwaasi oo watay boorar ay ku cambaareynayaan dhaqamadaas, waxaana ay ku baaqayeen in lala dagaalamo waxa ay ugu yeereen islaam naceybta Sweden.
Wararka kale ee Maanta
AD