Barnaamij la magac baxay wax akhriska waa muhiim ayaa waxaa soo qabanqaabiyey labada qorayaal ee kala ah Maxamed Xirsi Guuleed (CabdiBashiir) iyo Suldaam Maxamed Suldaan Ibraahim (Gar yare). Barnaamijka oo ahaa mid aad u qiimo badnaa oo loogu hadlayey qiimaha ay muhiimada ay leedahay in wax la akhriyo islamarkaana lagu soo bandhigay buugaag aad u faa´iido badan ayaa dadkii ka soo qaybgalay oo isugu jiray Rag, Dumar iyo Caruurba ayaa waxa ay ka kala yimaadeen dhowr magaallo sida magaallada Eskilstuna iyo Katrineholm iyo Nyköping iyo magaallada martida loo ahaa ee Flen.
Halkaana waxaa lagu soo bandhigay buugaag badan oo iib ah si wayna loo iibsaday.
Buugaagta waxaa ka mid ahaa
1-Naaneysi ma magac ma aha
2-Aan ooyee albaabka ii xidha
3-Caqiidada Islaamka
4-Hableheenna
5-Faya dhawr
Iyo kuwa kale oo aad u badan
WQ-Cabdicaziiz Baliile