Ahmed waa wiil Soomaaliyeed oo da’diisa tahay 17 sano jir oo ku nool magaalada Enköping oo ilaa 15-da bishaan July la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay. Ahmed ayaa markii cid ugu war dambaysay lagu sheegay magaalada Enköping ee ka tirsan Uppsala län.
Ahmed ayaa markii la waayay waxa uu xirnaa jeenis buluug ah, funaanad cad iyo kabbo sandal baroon ah. Dhirirkiisa waa 165cm, culeyskiisa waa 55kg.
Haddii aad aragtay Ahmed ama aad ogtahay cid garanaysa fadlan la xiriir booliska sida ugu dhaqsiyaha badan. Telefoonka waa 114 14.
Wararka kale ee Maanta
AD