BBC-da ayaa daaha ka qaadday caddeymo muujinaya tacadiyo iyo jirdil baahsan oo uu geystasy aas-aasaha mid ka mid ah kanisadaha ugu weyn adduunka.
Dad badan oo hore uga mid ahaa kanisadda Synagogue Church iyo shan qof oo Britain u dhashay ayaa TB Joshua ku eedeeyay xadgudubyo ay ka mid yihiin kufsi iyo ilmo xoog lagu soo rido xilligii uu ahaa baadariga kanisadda.
Eedaha xadgudubyada oo ka dhacay dhismo qarsoodi ahaa oo ku yaal Lagos ayaa socday ku dhawaad 20 sano. Kanisadda kama aysan jawaabin eedahaas balse waxay sheegtay in ay jireen sheegashooyin hore oo noqday kuwa aan sal laheyn.
TB Joshua oo geeriyooday 2021-kii wuxuu ahaa baadari dadka aad u soo jiitay kana hadla telefishinka, dad badan oo kala jooga meelo badan oo adduunka ah ayaa ku xirnaa.
Waxyaabaha ay BBC-da ku heshay baaris socotay in ka badan labo sano waxaa ka mid ah.
Marqaatiyaal tobaneeyo ah oo ka sheekeeyay gacan ka hadal iyo jirdil oo uu geystay Joshua oo ay ku jiraan xadgudubyo lagula kacay carruur iyo kuwa silsilado lagu xiray.
Haween badan ayaa sheegay in shaqsiyan uu u faraxumeeyay Joshua iyadoo kuwa ay sheegeen in si joogto ah uu sanado ugu kufsanayay gudaha dhismaha.
Waxaa jira dhowr eedo oo sheegaya in ilmo xoog lagusoo riday ay ka dhaceen gudaha kanisadda kaddib markii kufsi lagu eedeeyay Joshua, waxaana ka mid ahaa haweeney sheegtay in 5 jeer ilmo lagasoo riday.
Cadeymo dhowr ah oo muujinaya sida Joshua uu uga been sheegay “mucjisooyinka daaweyntiisa”, taas oo ay toos u daawadeen malaayiin dunida kala joogta.
Mid ka mid ah dhibanayaasha waxay aheyd haweeney Britain u dhalatay oo lagu magacaabo Rae. Waxay jirtay 21 sano markii ay isaga tagtay jaamacaddeeda Brighton sanadkii 2022-kii markaas oo ay ka mid noqotay kooxda kanisadda. 12 sano ayey ku jirtay gudaha dhismaha shubka ah ee ku yaal Lagos.
“Dhammaanteen waxay nala aheyd in aan jannada ku jirnay balse cadaab ayaan ku jirnay, waxyaabo aad u xun ayaa nagu dhacay”, ayey BBC-da u sheegtay
Rae waxay sheegtay in uu faraxumeeyay Joshua, ayna labo sano meel gooni ah kaligeed ku xirneyd. Waxay sheegtay in xadgudubka uu aad u xumaa, ayna dhowr jeer isku dayday in ay isdisho.
Kanisaddan ayaa waxaa ku xirnaa dad badan oo adduunka kala jooga, waxay laheyd telefishin lagu magacaabo Emmanuel TV iyo baro bulsho oo ay daawadaan malaayiin qof.
Sanadihii sagaashamaadkii ilaa iyo labadii kun kumannaan ka tagay Yurub, Ameerika, Aasiya iyo Afrika ayaa Nigeria u tagay si ay u arkaan “daaweynta mucjisada” ee Joshua. Ugu yaraan 150 soo booqday ayaa ka mid ahaa xertiisa oo halkaas la joogay, mararka qaar tobanaan sano ayey joogeen.
In ka badan 25 xertiisa hore ah oo BBC-da la hadlay kuwaas oo kala jooga Nigeria, Mareykanka, K/Afrika, Ghana, Namibia iyo Jarmalka ayaa bixiyay caddeymo xoog leh oo ku saabsan wixii ay kala kulmeen kaniisadda. Dhibanayaal badan ayaa sheegay in ay dhowr iyo toban sano ku jireen markii ay ku biireen kadib. Qaar ka mid ah dadka Britain ka tagay, Joshua ayaa bixiyay qarashka ay ku tageen Lagos isagoo kaashanaya kaniisado kale oo UK ku yaal.
Rae iyo kuwa kale oo la wareystay waxay ku tilmaameen in ay la mid aheyd wixii ay la kulmeen sida kooxaha u go’doomay diinta. Jessica Kaimu oo ka soo jeeda Namibia waxay sheegtay in ay dhibaato ku jirtay in ka badan shan sano. Waxay sheegtay in ay 17 jir aheyd markii ugu horeysay ee uu kufsaday. Waxaa jiray kuwa kale oo sheegay in dharka laga bixiyay oo lagu tumay xarkaha korontada iyo kuwa fardaha, loona diiday in ay hurdaan.
TB Joshua markii uu geeriyooday 2021-kii bishii Juun waxaa loo arkayay in uu ahaa taariikhda Afrika baadarigii ugu saameynta badnaa. Wuxuu ahaa faqiir dhisay boqortooyo diimeed oo ay ku xiran yihiin siyaasiyiin iyo dad caan ah oo ay ku jiraan kuwa kubadda cagta magac ku leh.
Intii uu noolaa dhibaatooyinkii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa markii guriga martida kanisadda uu dumay 2014-kii, waxaana ku dhintay 116 qof.
Baarista BBC-da oo ay ku wehlisay barta openDemocracy markii ugu horeysay waxaa la hadlay dhowr qof oo dadkii gudaha ku jiray kamid ahaa. Waxay u sheegeen in ay isku dayayeen in ay ka hadlaan balse la aamusiyay.
Intaa waxaa dheer nin u dhashay Britain iyo xaaskiisa ayaa u diray Email safaaradda Britain, waxaa ku jiray email-ka caddeymo muuqaal ah oo ku saabsan dhibaatada, waxay sheegeen in rag ay qori ku qabteen kuwaas oo sheegay in ay yihiin boolis balse ka tirsanaa kanisadda. Bishii Maarso 2010-kii ayey arrintaas dhacday kaddib markii ay ka baxsadeen kaniisadda.
Email-ka ayuu ninka ku sheegay in Joshua uu xaaskiisa si joogto ah u kufsaday isagoo sidoo kale u sheegay safaaradda in dad u dhashay Britain ay ku jiraan dhismaha. Wuxuu sheegay in aan wax tallaabo ah la qaadin
Wasaaradda arrimaha dibadda UK kama jawaabin sheegashadaas balse BBC-da waxaa loo sheegay in aysan sahlaneyn dhammaan xogta dambyada sida kufsiga iyo jirdilka ee loo geysto muwaadiniinta Britain ee dibadda jooga.
Kanisadda Scoan way shaqeysaa weli waxaana madax u ah xaaskii uu ka geeriyoday Joshua, Evelyn. Bishii luuliyo sanadkii hore ayey safar ku tagtay Spain.