Dowladda cusub ee Austria ayaa ku dhawaaqday in aysan aqbali doonin magangalyo-doon kasta oo dib loogu celiyo xudduudda Jarmalka iyadoo la raacayo hagitaan cusub oo uu soo jeediyay maamulka cusub ee Jarmalka.
Hogaamiyaha Jarmalka ee sugaya xilkaasi Friedrich Merz , ayaa ku dhawaaqay inuu si wax ku ool ah u jeclaan lahaa inuu xidho dhammaan xudduudaha Jarmalka muhaajiriinta aan caadiga ahayn iyo magangalyo-doonka – taasoo ka careysiisay Austria.
Merz ayaa ku doodaya in maadaama Jarmalku uu ku hareeraysan yahay oo kaliya wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Switzerland, qof kasta oo magangelyo codsada waa in uu soo bandhigaa xogtiisa ka hor inta aanu gaadhin Jarmalka, iyada oo la ixtiraamayo heshiiska ururka ee waxa loogu yeero heshiiska Dublin.
Qorshahan, si kastaba ha ahaatee, waxa uu dhaqan geli doonaa oo kaliya marka la dhiso dawladda cusub oo ay saxiixdo, taas oo sidoo kale u baahan karta in laga doodo oo cod loo qaado Bundestag, aqalka hoose ee baarlamaanka Jarmalka.
Diidmada magangelyo doonka ee xudduudaha dhulka ee Jarmalka ayaa markaa dhici doonta haddii deriska Jarmalku go’aansado inay “la kaashadaan” mas’uuliyiinta Jarmalka.