Tirada dadka ku shaqo waayey xaaladda Corona ayaa kordhaya ka dib iyada oo uu dalabku yaraaday. Waa sida laga ogaaday tirakoob cusub oo ka yimid xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen.
Laga bilaabo 1-diii bisha maarso ilaa hadda ayey tiro ku dhow 50 000 khatar ugu jiraan in ay shaqo waayan, taas oo xidhiidh la leh feyruuska Corona oo bulshadda ku sii fidaya.
– Isbedel degdeg ah oo weyn ayaa ku yimid suuqa shaqada ka dib Corona, waana arrin aannu khatar u aragno ayey sheegtay Annika Sundén oo madax ka ah laanta saadaalinta ee hayadda xafiiska shaqada.
Toddobaadkii ugu dambeeyay ayaa dalka shaqada laga fadhiisiyay 12 000 oo qof.
Annika Sundén ayaa filaysa in heerka shaqo laanta dalkani gadhi doonto boqolkiiba 10 ilaa xilliga xagaaga ee foodda innagu soo haya.
Somaliska Stockholm
Xigasho/radiosverige