Home Wararka Maanta Arbetsförmedlingen oo soo bandhigay Heerka Shaqo la’anta Sweden Halka ay mareyso

Arbetsförmedlingen oo soo bandhigay Heerka Shaqo la’anta Sweden Halka ay mareyso

0

Tirokoobyada xafiiska shaqada Arbetsförmedlingen ayaa muujineysain tirada dadka shaqo la’aanta ah inay gaareyso 408.677 kun.

Tirooyinkani waxay u dhigmaan heerka shaqo la’aanta oo ah 7.9 boqolkiiba.

Dhanka kale, ku dhowaad 5,000 oo qof ayaa ku guuleystey inay helaan shaqo cusub, usbuucii hore.

Tirooyinka Xafiiska Shaqaalaha ayaa sidoo kale muujiyay in shaqo la’aanta dhalinyarada da’doodu tahay 18 iyo 24 ay wali ka sarreyso kuwa kale, marka la barbar dhigo kooxaha kale ee da ‘ahaan, 10.4 boqolkiiba.

Dhinaca kale, tirada xubnaha lacagaha caymiska shaqo la’aanta ayaa waxyar hoos u dhacday qeybtii hore ee sanadkan, kadib koror aad u xoogan sanadkii hore.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here