Dood: Dabaal degga Juulka ama Kirismaska

4

Maanta oo taariikhdu tahay 24 December waa dabaaldegga maalinta bilowga Juulka ama christmasChristmas ee loo yaqaan Julafton taasoo balaayiin ka mid dadka caalamka ay u dabaal dagaan dhalashadii nabi Ciise (nnkh) inkastoo taariikhdu cadeysay in uusan dhalan maalintaan. Dabaaldegga Juulka ayaa la aaminsanyahay in uu ka soo jeedo caadooyinkii dadkii cawaanta ahaa ee ka horeeyay Kiristaanka.

Sanadihii u dambeeyay ayuu Kirismasku noqday xaflad ganacsi iyadoo shirkadahu ay lacag fara badan ku bixiyaan xayeysiinta si ay faaiido uga sameeyaan hadiyadaha lays waydaarsanayo. Sidoo kale xiligaan ayaa ah waqtiga keliya ee dad badan oo Kiristaan ah ay fursad u helaan in ay la kulmaan qaraabadooda ama ay booqdaan kaniisada. Dhinaca kale ayuu Kirismasku yahay xili ay dhacaan waxyaabo badan oo lidi ku ah diinta Kiristaanka iyo Islaamka oo ay ugu horeysa sino, cabitaan. iwm.

Arinka yaabka leh ayaa ah in dad badan oo aan Kiristaan ahayn oo ay ku jiraan Muslimiin ay ka qeyb qaataan dabaal degga Juulka. Qaar badan ayaa ku dooda in Kirismasku uusan hada ahayn dabaaldegg diimeed ee uu noqday mid caalami ah. Qodobkeena dooda maanta waa maxay sababta ay dadkaas uga qeybqaataan barnaamij ka soo horjeeda diintooda?

Culumada Islaamka ayaa qaba in aysan banaaneyn in lagala qeyb qaato Kiristaanka dabaaldagooda iyo xitaa in loogu bishaareeyo “God Jul” iwm maadaama ay arintaas tahay in aan kala qeyb qaadanayno dunuubta iyo shirkiga ay faraha kula jiraan. Maxaase laga yeelayaa kuwa noogu bishaareeya ciid wanaagsan marka aan ciidayno isla markaana naga filaya in aan sidoo kale samayno marka ay ciidoodatahay?

Fikradaada ku darso>>>

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here