Dad gaaraya illaa iyo 100 qof oo soomaali ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen magaalada Eskilstuna, dadka isu soo baxay ayaa waxa ay ka cabanayeen in si sharci daro ah laba caruur ah oo da´doodu yar tahay looga qaaday waallidiin soomaali ah bilihii u horeeyey ee sanadkaan.
Sababaha loo qaatay caruurta ayaa waxaa lagu sheegay dacwad ka timid dhanka Iskuulka ay caruurta dhigtaan.
Dibadbaxa oo mudo saacado ah soconayey kaas oo meelo badan o omagaallada kamid ah iyo xafiisyada daryeelka bulshada iyo kan shaqadaba lagu hor tagay islamarkaana ciidan Polis ah la socdeen ayaa waxa uu ku dhamaaday si nabedgelyo ah, arrinka caruurtii la qaatayna lama garanayo waxa ay noqon doonto.
Qore: C/caziiz Baliile
Wararka kale ee Maanta
AD