Maxaa loo soo bandhigi waayay mooshinkii la filaayay 20 Maarso?

38

Sidii dhowr jeer ay horey uga dhawaajiyeen xisbiga Miljöpartiet iyo dowlada waxaa la filaayay in 20 bisha Maarso ay soo bandhigaan mooshin wax looga badalayo sharciga ku aadan mideynta reeraha.

Arintaas ayaan dhicin 20 Maarso, si aan wax uga ogaado sababta aysan u soo bandhigin mooshinka ayaan la xiriiray xisbiga Miljöpartiet. David Nilsson oo ah xogyaha xisbiga u qaabilsan baarlamaanka iyo arimaha Socdaalka ayaa ii sheegay in ay sabab u tahay in arimihii ay doonayeen in mooshinka lagu xaliyo intooda badan la xaliyay ka dib go’aankii maxkamada sare ka soo baxay bishii Januari.

David ayaa intaas ku daray in ay wali xisbiga MP doonayaan in arinta sharciga lagu daro oo wax laga badalo sharcigii hore u jiray. Isla markaana xal loo helo su’aalaha wali taagan ee ku aadan dadka aan caruurta lahayn, caruurta la soo korsaday iyo caruurta iyaga oo dacwadu u socoto 18 sano gaadhay. Balse waxa uu sheegay in aysan hada sheegi karin waqti mooshin la soo bandhigayo.

Sidoo kale waxaa jira warar ay Soomaalida isla dhex marayaan oo sheegaya in 30 May mooshinka la soo bandhigi doono balse mar aan u kuur galay arintaas ayaan ogaaday in ay jiraan dhowr mooshin oo ku saabsan arimaha mideynta oo la soo bandhigayo 30 May balse mooshinadaas ma ahan kii laga filaayay xisbiga MP & Dowlada. Waa dhowr mooshin oo ay soo bandhigayaan xisbiyada Vänsterpartiet iyo Social Demokraterna, waxay u badantahay in la diidi doono mooshinadaas maadaama xisbiyadaas aysan aqlabiyad ku lahayn baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, dadka caruurta leh ayaan u baahnayn iyagu in ay isku mashquuliyaan mooshinada baarlamaanka maadaama hadaba laga qaaday shuruudii aqoonsiga oo ay socoto qaadiska dheecaana DNA-ga. Dadka aan caruurta lahayn iyaga arintooda wali mugdi ayaa ku jira balse waan soo qori doonaa haddii dhinacaas wax ka soo cusboonaadaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here