Home Wararka Maanta Shirkada Gaadiidka Stockholm oo ka hadashey 38 Basas oo la Xaday

Shirkada Gaadiidka Stockholm oo ka hadashey 38 Basas oo la Xaday

0

Shirkadda gaadiidka dadweynaha ee Stockholm (SL) ayaa shaacisay in shirkaddii la filayay inay iibsato 38 bas oo casaan ah oo la waayay ay iyadu ka qaaday goobtii lagu keydiyay, ka hor inta aan la dhammaystirin heshiiskii iibka.

SL ayaa xaqiijisay inay dhacdada ku wargelisay booliiska. Basaska ayaa sidoo kale si rasmi ah loogu diiwaangeliyay inay yihiin gaadiid la xaday, sida ay sheegeen hay’adaha ay khusayso.

38-ka bas oo ah nooca MAN ayaa la waayay 6-dii Oktoobar. Basasku waxay lahaayeen shirkadda SL Finans oo hoos tagta SL, waxaana loo diiwaangeliyay inay yihiin kuwo la xaday Hay’adda Gaadiidka Iswiidhan (Transportstyrelsen) iyo Larmtjänst, oo ah hay’ad ay wadaagaan qaybaha kala duwan ee caymiska.

Sophie Gunnarsson, oo ah mas’uulka warbaahinta ee SL, ayaa wargeyska Mitt i u sheegtay in shirkaddu ay basas dhowr ah oo shaqada laga joojiyay ku haysay goob loogu talagalay baarkinkooda, iyadoo la sugayay in la iibiyo.

“Ka hor inta aan la dhammaystirin iibka, shirkaddii la rabay inay basaska iibsato ayaa baabuurtaas ka qaaday goobtii ay yaalleen,” ayay tiri Sophie Gunnarsson.

Basasku waxay ahaayeen kuwo shaqada laga saaray, waxaana qorshuhu ahaa in laga iibiyo cid saddexaad.

Dhacdadan ayaa timid iyadoo markii hore aan la garanayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen 38-ka bas ee laga waayay goobtii lagu keydiyay ee Stockholm.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here