In ka badan 850 arday ayaa ka maqnaaday iskuullada Sweden kadib fasaxii xagaaga, iyadoo degmooyinku aysan weli ogeyn halka ay carruurtu ku sugan yihiin, inkastoo uu bil ka soo wareegay markii uu bilaabmay sanad-dugsiyeedka.
Sahan ay samaysay idaacadda Ekot, oo lagu sameeyay 190 degmo, ayaa muujiyay in in ka badan 90 degmo ay hayaan arday aan dib ugu soo laaban iskuulladoodii kadib fasaxa.
Xaalado badan, degmooyinku waxay tuhunsan yihiin in carruurtu ay dibadda dalka Sweden ku sugan yihiin, balse ma hayaan xaqiijin rasmi ah. Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo in carruur qaarkood laga yaabo in dalka dibaddiisa loo geeyay iyaga oo aan raalli ka ahayn, gaar ahaan kadib markii ay degmooyinku ku guuldarreysteen inay la xiriiraan waalidiintooda.
Degmooyinku waxay isku dayayaan inay helaan ardayda iyagoo telefoon iyo iimayl kula xiriiraya waalidiinta. Haddii cinwaanka qoyska la yaqaan, shaqaalaha degmada ayaa sidoo kale booqan kara guriga.
Andreas Lundholm, oo ah madaxa waxbarashada ee degmada Jönköping, ayaa sheegay in marka aan la ogeyn halka carruurtu joogaan ay aad u adag tahay in la ogaado xaaladaha ay ku nool yihiin.
“Dabcan, arrintan kuma qanacsanin. Shaqadeennu waa inaan carruurta dib ugu soo celinno iskuulka,” ayuu yiri Lundholm.





