Home Wararka Caalamka Maamulka Gaadiidka Sweden Oo Dib U Eegaya Xeerarka Mootooyinka Korontada (Elsparkcyklar)

Maamulka Gaadiidka Sweden Oo Dib U Eegaya Xeerarka Mootooyinka Korontada (Elsparkcyklar)

0
Foto: Magnus Grimstedt / TT

Hay’adda Gaadiidka Sweden (Transportstyrelsen) ayaa ku dhawaaqday inay billowday dib u eegis lagu sameynayo xeerarka isticmaalka mootooyinka korontada (Elsparkcyklar), si loo qiimeeyo in sharciyada hadda jira ay weli ku habboon yihiin ama ay u baahan yihiin wax ka beddel, iyadoo ay sare u kacday tirada shilalka la xiriira.

Madaxa waaxda ee Hay’adda Gaadiidka, Katarina Norén, ayaa sheegtay in kororka weyn ee shilalka uu yahay arrin walaac leh, iyadoo xustay in tirakoobka cusub uu muujinayo baahida loo qabo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xoojinayo badbaadada isticmaalayaasha.

7 Qof Oo Geeriyooday, Kumannaan Kalena Way Dhaawacmeen

Sida ay sheegtay Transportstyrelsen, isticmaalka mootooyinka korontada ayaa si weyn ugu kordhay guud ahaan Sweden, taasoo barbar socota kororka shilalka.

Intii lagu jiray sannadkii 2025, waxaa shilal la xiriiray mootooyinka korontada ku geeriyooday 7 qof, halka 6,624 qof ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in dib u eegista ay diiradda saari doonto kor u qaadista xogta iyo wacyiga la siiyo dadka isticmaala mootooyinka korontada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here