Home Wararka Caalamka Isbeddel Cusub ee Lagu Sameynayo Sharciga Jinsiyadda Iswiidhan oo Saameenaya Lamaanaha aan...

Isbeddel Cusub ee Lagu Sameynayo Sharciga Jinsiyadda Iswiidhan oo Saameenaya Lamaanaha aan Shaqeyn

0

Dowladda Sweden ayaa qorsheyneysa in 6-da Juun 2026 ay dhaqan geliso wax ka beddel cusub oo lagu sameynayo sharciga jinsiyadda dalka, kaas oo dhigaya in qof kasta oo codsanaya jinsiyadda laga rabo dakhli shaqsiyeed oo madaxbannaan oo aan ka yarayn 20 kun oo karoon bishii ka hor canshuurta.

Shuruuddan cusub ayaa saameyn doonta dhammaan codsadayaasha, oo ay ku jiraan kuwa horey u gudbiyay codsiyadooda. Dowladda ayaa caddeysay inaan la sameyn doonin waqti kala guur ah, islamarkaana codsiyada furan lagu qiimeyn doono xeerarka cusub laga bilaabo 6-da Juun 2026.

Isbeddelkan wuxuu si gaar ah u taabanayaa lammaanayaasha aan shaqeyn, sida kuwa guriga u jooga daryeelka carruurta ama hawlaha qoyska, maadaama aan loo oggolaan doonin inay ku xisaabtamaan dakhliga qoyska ama kaydka lacageed ee wadajirka ah. Qof kasta waa inuu muujiyaa dakhli isaga u gaar ah oo ka yimaada shaqo ama ganacsi si uu u buuxiyo shuruudda isku filnaanshaha dhaqaale.

Soo jeedintan waxaa gudbisay dowladda iyadoo taageero ka heleysa xisbiga Sweden Democrats (SD). Sida ay qortay wargeyska The Local, sharcigan cusub wuxuu qayb ka yahay dadaallo lagu adkeynayo shuruudaha helitaanka jinsiyadda Iswiidhan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here