Xisbiga Sweden Democrats (SD) ayaa dib u cusboonaysiiyay dalabkiisa ku aaddan in la mamnuuco xirashada xijaabka goobaha lagu maalgeliyo lacagaha dadweynaha, gaar ahaan dugsiyada iyo xarumaha daryeelka caafimaadka.
Xisbigu wuxuu ku tilmaamay xijaabka “astaan ka mid ah xagjirnimada diimeed oo aan waafaqsanayn qiyamka dimuqraadiyadda iyo mabda’a sinnaanta jinsiga ee Iswiidhan.”
Afhayeenka siyaasadda arrimaha bulshada ee xisbiga, Jessica Stegrud, ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshada ku sheegtay in “haweenka iyo gabdhaha ku nool Iswiidhan ay tahay inay helaan xorriyad buuxda marka ay joogaan goobaha dadweynaha, iyada oo aan lagu khasbin dhaqan ama caado xaddidaysa madaxbannaanidooda ama ku soo rogeysa xeerar ku saabsan muuqaalkooda.”
Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in xirashada xijaabka ee xarumaha dadweynaha ay “ka tarjumayso u hoggaansanaan heerar bulsho iyo diimeed oo lagu xakameeyo dhaqanka haweenka laguna maamulo jirkooda.” Waxa kale oo uu sheegay in astaamahan “aanay meel ku lahayn deegaan ku dhisan furfurnaan iyo ixtiraam xorriyadaha.”







