Gobolka Skåne ee dalka Iswiidhan ayaa ku dhawaaqay baahi loo qabo deeq-bixiyayaal saxaro, si loogu isticmaalo soo saarista kaabsoollo ay ku jiraan bakteeriyada mindhicirka, kuwaas oo lagu daweeyo bukaanada la ildaran dhibaatooyin halis ah oo ka dhasha isticmaalka antibiyootikada.
Kaabsoolladan ayaa lagu soo saaray Isbitaalka Jaamacadda Lund muddo ku dhow hal sano.
Dhakhtarka cudurrada faafa Karl Johan Frankel ayaa u sheegay telefishinka qaranka ee Sweden (SVT) in habka deeq-bixintu uu yahay mid nidaamsan oo ammaan ah. Wuxuu intaas ku daray in arrintu “aanay ahayn wax laga yaqyaqsoodo” sida dad badani u malayn karaan, isla markaana dhammaan qalabka iyo habraacyada loo diyaariyo si sharaf iyo nadaafad leh.
Kaabsoolladan ayaa loo adeegsadaa daaweynta bukaanada uu ku dhaco shuban daran kadib marka ay qaataan antibiyootiko. Daawada antibiyootikada ayaa mararka qaar disha bakteeriyada faa’iidada leh ee ku jirta mindhicirka, taas oo fursad siinaysa bakteeriyo la yiraahdo Clostridioides difficile inay si xad dhaaf ah u taranto.
Bakteeriyadan ayaa sababi karta shuban aad u daran, xaalado qaarkoodna waxay khatar gelin kartaa nolosha bukaanka.







