Home Wararka Caalamka Sweden oo Qaramada Midoobay u gudbisay qorshe lagu masaafurinayo qaxootiga geysta kufsiga

Sweden oo Qaramada Midoobay u gudbisay qorshe lagu masaafurinayo qaxootiga geysta kufsiga

0

Xukuumadda Iswiidhan ayaa ku dhawaaqday inay dhowaan gudbin doonto hindise ku aaddan Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR), kaas oo ujeedkiisu yahay in wax laga beddelo fasiraadda shuruucda qaxootiga. Qorshahan ayaa dhigaya in qof kasta oo geysta fal dambiyeedka kufsiga si toos ah loo masaafuriyo, xataa haddii uu haysto aqoonsiga qaxootinnimo.

​Wasiirka Socdaalka Iswiidhan, Johan Forssell, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka TV4 ku sheegay in xeerarka caalamiga ah ee hadda jira ay maxkamadaha ku qasbaan inay sameeyaan qiimeyn gaar ah ka hor inta aan la masaafurin qof qaxooti ah, xataa haddii uu galay dambi galmo oo halis ah. Wuxuu xusay in taasi ay keento in dad kufsadeyaal ah ay weli sii joogaan gudaha Iswiidhan.

​Wasiirka ayaa caddeeyay in dowladda Iswiidhan ay doonayso inay wax ka beddesho habka loo dabaqo heshiiskii qaxootiga, gaar ahaan dukumentiyada hagista ee UNHCR. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in “u istaagidda dhibbanayaasha dambiyada aysan caqabad ku noqon karin heshiisyo duug ah.”

​Wasiir Forssell ayaa iska fogeeyay in tallaabadan ay tahay mid sumcad-doon ah oo kaliya (Symbolic policy), wuxuuna xaqiijiyay in dowladda ay ka go’an tahay inay isbeddel dhab ah ku sameyso xeerarka gudaha iyo kuwa caalamiga ahba.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here