Booliiska Iswiidhan ayaa ku dhawaaqay inay bilaabeen adeegsiga kamarad cusub oo guur-guura ah oo lagu kormeero taraafikada, taas oo laga hirgeliyay gobolka Skaraborg.
Kamaraddan casriga ah waxay ku shaqaysaa tignoolajiyad horumarsan oo awood u leh inay qaaddo sawirro aad u cadcad isla markaana diiwaangeliso xadgudubyo ka badan kuwii hore, oo ay ku jirto isticmaalka taleefanka gacanta inta la wado gaariga.
Booliiska Skaraborg ayaa dhigay kamaraddan ugu horreysa ee noocan ah—oo loo bixiyay “Super Camera”—taas oo lagu tilmaamay inay leedahay tignoolajiyada ugu dambeysa. Isla farsamadan ayaa sidoo kale lagu rakibayaa kamaradaha joogtada ah ee cusub ee laga dhisayo guud ahaan dalka.
Sarkaalka booliiska Michael Terskoll, oo ka shaqeynayay kamaradda lagu rakibay waddada mashquulka badan ee Hjovägen ee magaalada Skövde, ayaa u sheegay Raadiyaha Iswiidhan in tignoolajiyadan cusub ay awood u leedahay inay ogaato noocyo kala duwan oo xadgudubyo ah. Wuxuu yiri: “Waa tignoolajiyada ugu casrisan ee hadda la heli karo, waxayna qaaddaa sawirro aad u tayo sareeya.”
Intii lagu jiray kaliya toddobo saacadood, kamaraddu waxay diiwaangelisay 2,738 gaari oo maray halkaas. Waxaa la ogaaday 89 xadgudub oo ah in xawaaraha la dhaafay 1 ilaa 5 kiiloomitir saacaddii, halka 15 darawal oo kale lagu qabtay inay xawaaraha ka badbaadiyeen 6 kiiloomitir ama ka badan, kuwaas oo lagu sawiray iftiinka kamaradda.







