Home Wararka Caalamka Midowga Yurub Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Cusub oo Lagu Adkeynayo Siyaasadda Socdaalka

Midowga Yurub Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Cusub oo Lagu Adkeynayo Siyaasadda Socdaalka

0
Foto: Jean-François Badias / AP / NTB Foto: NTB

Guddiga Yurub ayaa sheegay in si hufan dib loogu celiyo muhaajiriinta sharci-darrada ku soo gala Yurub ay tahay mudnaan “degdeg ah”. Qorshaha shanta sano ah waxa hagaya mabda’a ah in “Yurub ay go’aansato cidda imanaysa Midowga Yurub.”

Guddiga Yurub ayaa  soo bandhigay qorshihiisa cusub ee siyaasadda socdaalka Midowga Yurub, isaga oo ballanqaaday in la xakameyn doono socdaalka sharci-darrada ah isla markaana lala shaqeyn doono dalalka ka baxsan Midowga.

“Mudnaantu waa mid cad: in la yareeyo tirada dadka sharci-darrada ku soo galaya, lana hubiyo in ay sidaas ku sii jirto,” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Yurub ee arrimaha socdaalka, Magnus Brunner.

“Ku takri-falka nidaamka socdaalka waxa uu magac xumo ku keenayaa socdaalka guud ahaan — waxa uu wiiqayaa kalsoonida dadweynaha, ugu dambeyntiina waxa uu naga hor istaagayaa awoodda aan u leenahay in aan siino magangelyo kuwa u baahan, isla markaana uu wiiqayaa dadaalkeenna ku aaddan soo jiidashada xirfadlayaal tayo leh,” ayuu yiri Brunner.

Ku dhawaaqistan ayaa imanaysa xilli cadaadis siyaasadeed uu weli ka jiro Midowga Yurub oo lagu dalbanayo in si adag loola tacaalo socdaalka sharci-darrada ah, inkasta oo tirada dadka si aan sharci ahayn ku soo galaya ay hoos u dhacday in ka badan rubuc sanadkii 2025.

Brunner ayaa ballanqaaday in tani ay noqon doonto “cutub cusub” oo u furmaya 27-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub, kuna saabsan siyaasadda socdaalka iyo magangelyada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here