Wasiirka Socdaalka Sweden, Johan Forssell, ayaa ugu baaqay Midowga Yurub (EU) in la sameeyo hannaan mideysan oo lagu bixiyo aqoonsi iyo dukumeentiyo safar oo loo sameeyo muwaadiniinta Afgaanistaan ee codsiyadooda magangelyo la diiday ama dambiyo ka galay dalalka ay martida ku yihiin.
Wasiir Forssell ayaa sheegay in xaaladda hadda jirta ay tahay mid “ku dhowaad aan suurtagal ahayn” in lagu masaafuriyo Afgaanistaanka aan u qalmin magangelyada, sababo la xiriira maqnaanshaha aqoonsi rasmi ah ama waraaqo safar.
Forssell wuxuu carrabka ku adkeeyay in inkastoo Midowga Yurub uusan doonayn inuu la galo heshiisyo siyaasadeed Afghanistan, kuwaas oo siin kara “sharciyad” Taliban, haddana waddamada xubnaha ka ah EU-da ay ku heshiin karaan heer farsamo (technical level) si loo bixiyo dukumeentiyo fududeynaya masaafurinta.







