Shirkadda gaadiidka dadweynaha ee galbeedka Iswiidhan (Västtrafik) ayaa ku dhawaaqday in si buuxda loo joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqa taraamyada (tram) ee magaalada Göteborg, sababo la xiriira duufaan baraf ah oo xooggan oo ku dhufatay xeebta galbeed ee dalka.
Afhayeenka shirkadda, Frida Antonsson, ayaa u sheegtay wargeyska GP: “Xaaladdu aad bay u khatar badan tahay, mana suurtagal ahan in taraamyada la shaqaysiiyo xaaladdan.”
Gobolka waxaa ka da’aya baraf aad u culus, waxaana socda dabeylo xooggan, taasoo ka dhigaysa wadista gaadiidka mid aan ammaan ahayn, sida ay sheegtay Västtrafik. Shirkaddu waxay ku boorrisay rakaabka inay la socdaan boggeeda internetka si ay u helaan wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda.
Shirkaddu waxay sidoo kale xaqiijisay in qayb weyn oo ka mid ah adeeggii basaska la joojiyay.
Dhanka kale, afhayeenka booliiska Thomas Fuxborg ayaa bayaan uu siiyay wakaaladda TT ku boorriyay dadka inaysan isticmaalin gaadiidkooda gaarka ah haddii aanay si aad ah daruuri u ahayn, isla markaana ay ku shaqeeyaan guryahooda haddii ay suurtagal tahay.







