Hogaamiyaha xisbiga SD ee Sweden Jimmie Åkesson, ayaa weerar ba’an ku qaaday nidaamka ogolaanshaha degenaanshaha joogtada ah ee Sweden, isagoo ku tilmaamay “fikrad xun bilowgii.
“Waa wax lala yaabo in siyaasiyiinta Sweden ay mar u maleeyeen in degenaanshaha joogtada ah uu yahay fikrad wanaagsan,” Åkesson ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada . “Taas beddelkeeda, had iyo jeer waxay ahayd fikrad aad u xun.”
Hadalka Okesson ayaa yimid ka dib markii Xisbiga Dimuqraadiga ee Sooshal dimuqraadiga uu ku dhawaaqay inuu ka soo horjeedo isbeddellada la soo jeediyay ee lagu sameeyay xeerarka ogolaanshaha degenaanshaha dalka, maadaama xisbigu uu doonayo inuu sii wado suurtagalnimada in soogalootigu ay helaan deganaansho rasmi ah iyada oo aan loo baahnayn dhalasho ama isdhexgal buuxa.







