Home Wararka Caalamka Wasiirka Socdaalka Sweden oo sheegay in Dalkiisa uu noqday mid looga day’do...

Wasiirka Socdaalka Sweden oo sheegay in Dalkiisa uu noqday mid looga day’do Siyaasada Socdaalka Yurub

0
Photo/tt

Wasiirka socdaalka Sweden Johan Forschel ayaa xaqiijiyay in Sweden ay hadda Yurub u aragto tusaale u ah wadamada doonaya in la dhimo tirada dadka soo galootiga ah.

Arrintan ayaa timid xilli uu ka qeyb galayay shir ay lahaayeen wasiirada socdaalka oo ka kala socday 8 dal oo Yurub ah oo lagu qabtay magaalada Munich ee dalka Jarmalka, kaasoo looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa sharciyada socdaalka ee Midowga Yurub.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo tarxiili lahaa dadka la diiday codsigooda magangelyo balse aan dib loogu celin karin dalalkii ay ka yimaadeen, iyadoo ay maqan tahay wadashaqeynta dalalkaas.

Wadamada qaarkood oo ay ku jirto Sweden ayaa soo jeedinaya in la sameeyo “xarumo dib u celin” oo laga sameeyo wadamada ka baxsan Midowga Yurub si ay dadkan si ku meel gaar ah u dejiyaan, sida ay qoreen Warbaahinta

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here