Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna (SD) Jimmie Ã…kesson ayaa ka hadlay khudbad ku saabsan in xaaska la garaaci karo khudbadaasi oo laga jeediyay masjid ku yaalla magaalada Kristiansand, isagoo ku baaqay in la xiro masjidka.
waxa uu bartiisa X ku qoray: “Dhacdooyinkan qaloocan ee xagjirka ah waa in laga tirtiraa Sweden. Xoriyadda diinta waa inaan loo adeegsan marmarsiinyo lagu faafiyo farriimaha xagjirnimada ama xitaa dambiyada.”
Wuxuu sii waday: “Xaaladaha halista ah, bulshadu waa inay soo faragelisaa oo ay xiraan goobaha cibaadada ee sidan oo kale.”
Jimciyadda Islaamiga ah ee Kristiansandsstad ayaa shalay ku dhawaaqday in ay shaqada ka cayrisay imaamkii wacdiga jeediyay, iyagoo caddeeyay in ay si buuxda u diiddan yihiin tacadiyada ka dhanka ah haweenka, ayna si buuxda u ixtiraamayaan shuruucda Sweden iyo xuquuqul insaanka.
Khudbadii imaamka ayaa caro baahsan ka dhalisay Sweden iyo falcelin xooggan oo ay bixiyeen siyaasiyiin ka tirsan dowladda iyo mucaaradka.