Home Wararka Caalamka Sweden:- Imaam Masjid oo laga Ceyriyay Masjidka kadib markii uu ka hadlay...

Sweden:- Imaam Masjid oo laga Ceyriyay Masjidka kadib markii uu ka hadlay Sida Xaaska loo Garaaco

0

imaamka masjidka al-rahma ee Dalka Sweden ayaa shaqada laga Ceyriyay kadib markii uu jeediyay Khudbad uu kaga hadlay sida Xaaska loo edbin karo iyadoo loo raacayo wadada islaamka.

Imaamka ayaa ka hadlay in marka hore looga fogaado sariirta kadibna la garaaco taasi uu ku sheegay hanaanka lagu waaniyo.

Warsidaha Expressen ayaa warbixin ka daabacay dhacdadan waxana taasi ay keentay in banaanka lasoo dhigo khudbada uu ka jeediyay in xaaska la garaaci karo.

ugu danbeyn Maamulka Masjidka Al-Rahma ee magaalada Kristiansandsstad ayaa go’aan ku gaadhay in Imaam Salah Abu Al-Enein laga caydhiyo inuu tujiyo salaadda.

gudaha Sweden waa ka mamnuuc dilka Xaaska iyo Caruurta waana danbi weyn uu qofka ku muteysan karo Xabsi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here