Madaxweynaha Mareykanka ayaa shaaciyey 21-ka qodob ee qorshaha Nabadda Gaza, kaasoo la doonayo in lagu dhameeyo dagaalka iyo xasuuqa ka socda halkaas
Lama oga sida xamaas iyo Israel u soo dhoweyn doonaan soo jeedintan Waxaa ka mid ah qodobadaas.
▪︎ Gaza waa inay noqoto meel aan xagjir iyo argagax lahayn. Taa micneheedu waa, in Xamaas meesha laga saaro.
▪︎ Gaza dib baa loo dhisayaa. Waxaana ka faa’iidi doona dadka Gaza ku nool. Dadka Gaza wax kharash ah oo uga baxayana ma jiraan.
▪︎ Isla marka ay dhinacyadu oggolaadaan qorshahan, dagaalku dhaqso ayuu ku joogsan doonaa.
▪︎ 48 saac kaddib marka ay Israa’iil aqbalo heshiiska, dhammaan lahaystayaasha Israa’iil wax nool iyo dhintayba waa in la soo celiyo. Waxaa kale oo la siiddayn doonaa boqollaal maxaabiis Falastiiniin ah iyo kuwa aan la xukumin ee la iska hayo labadaba.
▪︎ Xamaas hubka ayaa laga dhigi doonaa. Dadka u daggaallamayana waxaa loo oggolaan doonaa inay Gaza ka baxaan, hadday rabaan.
▪︎ Gargaar badan, ayaa la soo gaarsiin doonaa Gaza, waliba baaxad ahaan iyo caqabad ahaamba ma jiri doonaan is-hortaag. Waxaa ku xigi doona dib-u-dhiska kaabayaasha muhiimka ah. Waxaa Gaza la keeni doonaa qalab lagu guro burburkii daarihii dumay.
▪︎ Mucaawimmada waxaa qaybin doona UN iyo Laanqayrta Cas. Waxaa kale oo ku wehelin doona Ururrada kale ee Caalamiga ah ee aan xiriir la lahayn Israa’iil iyo Xamaas midna.
▪︎ Qorshaha waxaa kale oo ku jira, in Gaza ay maamuli doonaan dawlad Farsamo-yaqaanno Falastiin leedahay oo kumeel-gaar ah.
Dawladdaas oo mas’uul ka noqon doonta hawlaha maalinlaha ah. Kor waxaa kala socon doona hay’ad caalami ah oo cusub oo uu samayn doono Maraykanku isagoo la tashanaya saaxiibbada Carabta iyo Yurub.
▪︎ Waxaa la samayn doonaa qaab-dhismeed
loogu talagalay maalgelinta iyo horumarinta Gaza ilaa maamulka Falastiin uu dhammaystiro barnaamijkiisa dib-u-habaynta ah.
▪︎ Maraykanku wuxuu u muuqdaa inuu u hoggaansamay taageerada caalamiga ah ee la isku raacsan yahay ee dib-u-midaynta Daanta Galbeed iyo Gaza oo hoos imanaysa hal maamul oo dib loo habeeyey.
▪︎ Waxaa jiri doona qorshe dhaqaale oo la abuuri doono, si dib loogu dhiso Gaza oo ay ku jirto Zone dhaqaale oo canshuurta laga yarayn doono
▪︎ Waxba kama jiri doonaan baaqyadii hore ee ku saabsanaa in dadka Gaza ay ka baxaan halkaas. Cid xoog looga saari doono Gaza ma jiri doonto. Qof walba oo isagu iskii u baxayana, waxaa loo oggolaan doonaa, in uu dib u soo laabto.
▪︎ Shacabka Gaza waxaa lagu dhiirrigalinayaa inay joogaan oo aysan bixin- si ay uga faa’iidaystaan fursadaha shaqo ee Gaza dib uga billaaban doono.
▪︎ Xamaas ma jiraan dawr ay ku yeelan doonaan Maamulka Gaza wax kasta oo dhaca. Waxaa jira ballanqaadyo lagu burburinayo oo aysan dib dambe dagaallo military ku soo qaadi karin sida tunnellada dhulka hoostiisa ah.
▪︎ Madaxda cusub ee ay Gaza yeelan doonto waa inay ballanqaadaan, inay si nabad ah ula dagi doinaan dariskooda.
▪︎ Maraykanku wuxuu kala shaqayn doonaa Carabta iyo saaxiibbada Caalamka in la sameeyo xoog caalami ah oo kumeel-gaar ah oo xassilloonida ilaaliya. Ciidammadaa waxaa degdeg loo gayn doonaa Gaza, si ay dusha ugala socdaan amniga Gaza.
▪︎ Ciidammo Caalami ah ayaa la samayn doonaa oo tababara bilayska Falastiin.
▪︎ Sida qorshaha la diyaariyey dhigayo, Israa’iil ma qabsan doonto Gaza ama inaysan ku darsanayn dhulkeeda Gaza. Ciidammada Israa’iil waxay si tartiib-tariib ah dhulka ay hadda qabsadeen ugu wareejin doonaan
▪︎ Marka dib-u-habaynta Gaza la dhammeeyo oo barnaamijka dib-u-habaynta la fuliyo, waxaa laga yaabaa in la.diyaariyo waddo lagu kalsoonaan karo, si si buuxda loogu dhiso dawlad ay yeelato Falastiin. Dawladdaas oo ku shaqayn karta rabitaanka dadka Falastiin.
▪︎ Maraykanku wuxuu hirgaliin doonaa wadahadal u dhaxayn doona Falastiiniyiinta iyo Israa’iil. Falastiiniintu waa inay la yimaaddaan aragti siyaasadeed oo nabad ku wada-noolaasho ah.
▪︎ Qorshaha waxaa ku jira in la ciribtiro xagjirrada labada dawladood lahaan karaan (Falastiin & Israa’iil).
Inta badan qorshahan waxaa laga soo qaatay qorshihii shirkii Carabta ee Qaahira lagu qabtay March, 2025. Waxaa kale oo qatb ahaan laga soo qaatay qorshe uu diyaariyey Prime Minister-kii hore ee UK Tony Blair oi ay la socdaan Witkoff iyo Jared Kushner oo ah wiilka uu soddoga u yahay Trump.
Waxaa kale oo jiri karo wax kale oo Falastiiniyiintu dalban karaan si ay u oggolaadaan qorshahan cusub oo uu ka mid yahay in arrinta Quddus sideeda loo daayo iyo in la joojiyo dhismayaasha sharci-darrada ah.
Waxaan la ogayn in Israa’iil aqbali doonto iyo in kale. Isniinta Trump wuxuu la kulmi doonaa Netanyahu, si bal uu u riixo aqbalidda qorshaha cusub.
Maamulka Trump gudaha waxaa ka haysta cadaadis. Bishii hore, ra’yi-ururin ay samaysay
Quinnipiac, waxay ku ogaatay 60% codbixiyeyaasha Maraykanku inay ka soo horjeedaan hubka military ee lagu caawiyo Israa’iil. Xisbiga Democrats isagu 75% baaba diiday in hub loo diro Israa’iil.
Ra’yi-ururinta waxaa kale oo lagu ogaaday, in dadka Maraykanku ay taageersan yihiin Falastiin, kana soo horjeedaan Israa’iil. 50 codbixiyeyaashu waxay ku sheegeen, in Israa’iil ay samaysay gumaad. Boqolleydu xitaa dhinaca Democrats waxay gaarsiinaysaa 75%.