Wasiirka arrimaha debedda, Lars Løkke Rasmussen, ayaa Isniinta soo bandhigaya qorshe, ay Danmark diyaar ugu tahay, inay Falastiin u aqoonsato dawlad, sida uu qoray DR .
– Ilaa hadda, waxa aannu Israa’iil ku siinay awoodda diidmada qayaxan, sababtoo ah waxa aannu nidhi, Danmark waxa ay aqoonsanaysaa Falastiin, marka ay wadahadlaan xal laba dawladood ah, ayuu yidhi Rasmussen.
Xogtan ayaa lagu shaaciyay muuqaal lag wadaagay baraha bulshada fiidnimadii Axadda.
Rasmussen waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaal badan oo adduunka ah oo ku kulmi doona shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ee New York toddobaadkan.
Sebtembar 7-deedii, Løkke ayaa shir jaraa’id oo uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ku sheegay in Danmark aysan u aqoonsan doonin Falastiin dal gaar ah, sida uu qoray wargeyska The Jerusalem Post.