Nin Asal ahaan kasoo jeeda Somaliya ayaa lagu helay Dambi ah inuu adeeg lacag bixin ah ka waday dibadda isoo isticmaalaya xafiis ku yaalla magaalada Oslo.
Ninkan ayaa hada waxaa lagu helay dambi ah inuu malaayiin Lacag ah uu u Dhaqay kooxo dambiilayaal ah.
tuhunka Ninkan ayaa yimid xili uu Safar ka ahaa Madaarka Oslo isagoo Wata lacag Tiro badan waxana uu qeybta Kastamka u sheegay inuu wato lix milyan oo kaliya lakin shaki badan iyo baaritaan kadib waxaa laga helay 13 milyan kr iyo lacag 6000 dollarka mareykanka waxaa intaasi u dheeraa Saacad Rolex ah oo Qiimaheedu dhanyahay labo milyan.
Dhageysiga Dacwadaha ee ninkan waxay Maxkamada Degmada Romerike ku xukuntay 15 Sano oo Xabsi ah.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD