Dowladda oo kaashaneysa xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa soo gebagebeysay
baaritaankii ay dowladdu ku sameysay lacagaha lagu soo rogayo
dadka u baahan turjumaadda marka ay la macaamilayaan hay’adaha
Sweden. Sida lagu sheegay xog uu helay Radio Sweden
Sida ku cad habraaca baaritaanka, dadka ajnabiga ah ee ku nool Iswiidhan waa in ay bixiyaan kharashka turjubaanka marka ay u baahan yihiin turjumaada marka ay la xiriiraan maamulada, marka laga reebo daryeelka caafimaadka iyo nidaamka garsoorka
Xisbiga SD ayaa ka soo horjeeday in laga reebo daryeelka caafimaadka iyo
.nidaamka garsoorka, balse afarta xisbi ayaa dhawaan heshiis gaaray
Maxkamadda maamulka ayaa laashay go’aankii Blekinge ee ahaa in bukaannada lagu soo rogo kharashka tarjumaadda Dawladdu waxay u xilsaartay baadhista in ay daraasad ku samayso mamnuucidda carruurta ay waalidku u isticmaali karaan turjumaan ahaan marka laga reebo xaalado gaar ah.
Somaliska Stockholm