Deenishka ayey layaab ku noqotay kadib markii habeenkii sannadka cusub ay boqoradda Margrethe II ku dhawaaqday in ay is casishay.
Boqoradda kaliya ee dunida ka talinaysa, isla markaana ah tan ugu cimriga dheer Yurub, ayaa xilka ka degi doonta 14-ka January, taas oo ka dhigi doonta in 52 sanno laga joogo maalintii ay boqorad noqotay.
“Waxaan hoggaanka uga tagayaa wiilkayga, dhaxal sugaha ah ee Frederik,” ayay si toos ah ugu tiri TV-ga.
Hase yeeshee maxaan ka ognahay wiilka dhawaan noqon doona boqorka cusub ee Denmark?
Amiir Frederik waxa Danmark looga yaqaanay in uu ahaa amiir xisbi horraantii 1990-meeyadii, laakiin fikradihiisu waxa ay bilaabeen in ay isbeddelaan kadib markii uu ka qalin jabiyay jaamacadda Aarhus 1995-tii isaga oo darajada labaad ee loo yaqaanno mastarka ka gaaray cilmiga siyaasadda. Wuxuu ahaa boqortooyadii ugu horreysay ee Danish ah isla markaana dhammeysta waxbarasho jaamacadeed.
Intii uu waxbarashadiisa ku guda jiray waxa uu waqtigiisa tacliineed ku qaatay gudaha Harvard ee Maraykanka, halkaas oo uu isku qoray magaca Frederik Henriksen.
Kadib waxa uu ka mid noqday ciidamada badda ee Denmark, kuwaas oo lagu naanayso “Pingo” – taas oo sida lagu sheegay warbaahinta qaar.
55-jirkan ayaa magaciisa ku kasbaday geesinimo, isagoo ka qayb qaatay socdaal afar bilood ah oo lagu qabtay Greenland sannadkii 2000. Waxa uu muddo ku jiray cusbitaalka oo la dhigay kadib markii la kulmay shil mooto.
“Ma doonayo in aan isku xiro qasriga, waxaan rabaa in aan noqdo qof caadi ah naftayda, iyo aadane,” ayuu mar yiri, isaga oo ku adkeystay inuu ku dheggan yahay go’aankisa nololeed xitaa haddii uu noqdo boqorka Denmark.
Amiirka dhaxalsugaha ah Frederik, sida Boqorka Ingiriiska Charles III, ayaa caan ku ah jacaylka uu u qabo deegaanka. Waxa uu wacad ku maray hagi doono inuu mustaqbalka guud ee Denmark.
Xaaskiisa, Princess Mary, waxay ku kortay jasiiradda Australia ee Tasmania, waxa ayna ahayd qareen markii ay lammaanuhu ku kulmeen 2000, baar ku yaal magaalada Sydney intii lagu jiray ciyaaraha Olombikada.
Mar ay wareysi bixisay ayaa waxay sheegtay in markii ay kulmeen aysan ogeyn inuu yahay amiirkii Denmark, waxayna tiri: Nus saac kadib ayaa waxaa ii yimid qof oo igu yiri ma garanaysaa dadkan cidda ay yihiin?
Si ka duwan dhaqanka boqortooyada Ingiriiska, ma jiri doonto xaflad taaj oo rasmi ah oo loo qabanayo amiirka dhaxalsugaha ah ee lagu magacaabo Frederik. Taa beddelkeeda, ku biiristiisa ayaa maalintaas lagaga dhawaaqi doonaa qasriga boqortooyada ee Amalienborg ee caasimadda Copenhagen.
Waxa uu noqon doonaa boqorka Denmark iyo madaxa dawladda ee dalka oo ah boqortooyo dastuuri ah.
Boqorad Margrethe II waa boqorada kaliya ee aduunka ka talinaysa iyo boqorada ugu wakhtiga dheer ee Yurub, iyadoo la wareegtay xukunka kadib geeridii aabaheed King Frederik IX sanadkii 1972-dii.
Haweeneydan 83-jirka ah ayaa daaha ka qaadday in go’aanka la sameeyay kadib in muddo ah oo ay ku jirtay xaalado caafimaad iyo qalliin dhanka dhabarka ah oo lagu sameeyay horaantii sanadkii tagay ee 2023-kii.
“Qaliinku waxa uu si dabiici ah u keenay in laga fikiro mustaqbalka, iyo in la gaaray waqtigii mas’uuliyadda looga tagi lahaa jiilka soo socda,” ayay tiri.
“Waxaan go’aansaday in hadda la joogo waqtigii saxda ahaa,” ayay raacisay, waxayna u mahad-celisay shacabka Denmark iyo taageeradooda sannadihii lasoo dhaafay ee ay ka talineysay dalka.