Arday Muslimiin ah oo da’yar kuna nool magaalada Blackburn ee UK ayaa qeyb ka ah tartan kubadda cagta ah oo loo qabanayo ardayda iskuullada. Qorshahoodu waa inay lacag ugu ururiyaan Muslimiinta reer Falastiin ee ku nool Gaza.
Waxaa soo agaasimay dhacdadan Hafiz Asif Iqbal iyoHanif Premi oo labaduba kamid ah jamaacada Masjidka Ghosia. Waxaana qeyb ka ah arday gaaraysa 100 oo ka kala yimid madrasado kala duwan.
“Ujeedkeennu wuxuu ahaa inaan midayno ardayda oo aan xoojinno isdhex-galkooda iyo dabcan kaalinta ay ka qaadan karaan wax-bixinta iyo samafalka,” ayuu u sheegay mid kamid ah qabanqaabiyayaasha wargeyska Lancashire.
Lacagaha kasoo xerooda cayaarahan waxaa loogu deeqi doonaa walaalaha Falastiin ee ciidamada Yuhuuddu ay ku go’doomisay dagaal aan kala joogsi lahayn oo muddo saddex bil ku dhaw socda.