Home Wararka Caalamka Västerås Nin Toorey ku dhuftay Dariskiisa 250 Mar oo Xukun lagu riday

Västerås Nin Toorey ku dhuftay Dariskiisa 250 Mar oo Xukun lagu riday

0

Maxkamad ku taal dalka Sweden ayaa nin ku xukuntay xabsi daa’in, kadib markii lagu helay dambi ah in uu toori ku dilay deriskiisa guri ku yaala magaalada Västerås ee dalka Sweden.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay lixdameeyo jir uu galay guriga ay deriska yihiin oo daganaa qof da’diisu ahayd Kontomeeyo ka dibna uu ilaa 250 jeer Mindi kaga dhuftay qoorta, dhuunta iyo qeybaha sare ee jirkiisa.

Maxkamaddu waxay u aragtay dembiga mid aad u daran, waana la sii qorsheeyay oo si ula kac ah loo sameeyay, taasoo keentay inay ku soo rogaan ciqaabta ugu badan ee isaga.

Ninkan ayaa qirtay in uu fikir hore iyo mala-awaal ka lahaa dilka deriskiisa, balse waxa uu sheegay in uu ku guulaystay in uu fikirkiisa xakameeyo ilaa inta laga fulinayo dambiga uu galay.

Waxaa la ogaaday in ninkan horey loogu xukumay inuu galay fal dambiyeed rabshado wata, waxaana lagu xukumay in lagu daweeyo dhimirka.

Si kastaba ha ahaatee, baaritaanka caafimaad ayaa lagu xaqiijiyay in dambiilaha uusan qabin xanuun nafsi ah oo halis ah, markii uu galay dambiga uu hadda galay, taasoo u ogolaatay maxkamaddu inay xabsiga dhigto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here