Home Wararka Caalamka Migrationsverket-ka oo Xaqiijiyay Baaritaan iyo Su’alo ay Waydiiyeen Silwan Momika

Migrationsverket-ka oo Xaqiijiyay Baaritaan iyo Su’alo ay Waydiiyeen Silwan Momika

0
Photo Fredrik Sandberg / TT

Hay’adda Socdaalka Sweden ayaa xaqiijisay inay Silwan Momika su’aalo ku waydiisay saldhiga booliska ee magaalada Stockholm maalintii Khamiista, taas oo qayb ka ahayd baadhitaanka lagu hayo degenaanshaha ku meel gaadhka ah ee Sweden.

Baaritaanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay sawiradii muujinayay Mumika oo ku guda jiray dhaq dhaqaaqa maleeshiyaatka uu ka dhex waday Ciraaq, iyo hubkii uu watay iyo ka qeyb qaadashada dagaaladii militari.

SVT waxa ay sheegtay in Silwan uu ku andacoodey Hay’adda Socdaalka markii uu magangalyada weydiistay in uu yahay siyaasi Ciraaq ku sugan oo aanu wax lug ah ku lahayn maleeshiyaad iyo colaado.

Bishii Luulyo ee la soo dhaafay, Laanta Socdaalka ayaa furtay galka ku meel gaarka ah ee Sloane Momica ka dib markii ay heleen xog cusub oo isaga ku saabsan, ka dib markii uu Quraanka ku gubay Stockholm.

Somaliska Stockholm

Xigasho/SVT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here