Home Wararka Caalamka Qowmiyada Eritrean-ka oo Markale isku Farasaaray Dalka Canada

Qowmiyada Eritrean-ka oo Markale isku Farasaaray Dalka Canada

0

Dhacdo lamid ah tii ka dhacday Dalka Sweden gaar ahaan inta u dhaxeysa Xaafadaha Tensta iyo Rinkeby ayaa ka dhacday Dalka Canada kadib markii Koox Eritrean ah ay xoog ku galeen Xaflad Festival ah oo dhiganayeen Dadka Eritrean-ka

Baliiska Dalka Canada gaar ahaan Toronta ayaa ku guuleestay inay Xakameeyaan Rabshadaha ka dhici rabay goobta waxana lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen tiro dad ah.

Dadka Xaflada dhiganaya ayaa lagu sheegay kuwa daacad u ah Madaxweynaha Dalka Eritrean halka kuwa kale ay kasoo horjeedaan Madaxweynaha oo lagu xanto inuu yahay kaligiis talis.

Warar kale oo hoose ayaa sheegaya in Dadka wax soo weeraray ay yihiin dad asal ahaan kasoo jeeda Dalka Itoobiya kuwaasi oo aad ugu soo horjeeda Xaflada ay dhiganayaan dadkaasi kasoo jeeda Eritrean.

Rabshadaha ka dhacay Dalka Sweden ayaa ku dhaawacmay dad badan halka lagu gubay 7 Gawaari iyo sidoo kale Teendhooyin lagu xiray goobta oo dab la qabadsiiyay.

Somaliska Stocholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here