Xaalad amaan oo halis ah ayaa ka taagan ama laga dareemayaa Sweden gaar ahaan Safaarada ay ku leedahay Adduunka iyadoo gudaha ay jirto cabsi ah inay dhacaan falal argagixiso.
Dhibaatadaasi ayaa salka ku heysa Falkii dhawaan ka dhacay Sweden ee lagu gubay Quraanka kariimka kaasi oo aad ugu careysiiyay dadka muslinka ah.
Wasiirka Cadaalada Sweden Gunnar Stromer ayaa sheegay in Sweden ay dib u eegeyso Sharciga gubista Quraanka kariimka iyo sida qofka uu u heesto Hanaanka Xuriyatul Qowlka marka la eego diimaha.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in aysan jirin Taariikh lagu dhawaaqayo Natiijada lakin ay bilaabayaan baaritaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Todobaadkii hore Caasimada Stockholm waxaa lagu gubay Quraanka kariimka taasi oo keentay caro xoogan oo ka dhalatay dalalka Islaamka iyadoo wadamada qaar ay dhaceen banaan-baxyo xoogan oo looga soo horjeedo falkaasi.
Somaliska Stockhlm