Dowlada UK ayaa ugu danbeyn u dhawaaqday inay Hoygooda ka saareyso ku dhawaad 8,000 kun oo Qaxooti ah kuwaasi oo badankooda kasoo jeeda dalka Afganistan, Dadkan ayaana badankooda dagan Hoteelo.
Sanadkii 2021 ayay Dowlada kasoo qaaday Dalka Afganistan kadib Xukunkii dalkaasi oo lala wareegay lakin waxaa ku adkaatay in ay bixiso lacagta Hoteelada ay daganyihiin.
Dowlada ayaa fariimo u dirtay Dadkaasi oo u badan Qoysas waxaana kamid ah Fariimaha in ay Naftooda dabaraan madama ay Dowlada intaasi ka badan awoodin.
UK ayaa dhawaan sidoo kale meelmarisay Sharci Dadka Qaxootiga loogu Musaafurinayo Dalka Rwanda halkaasi oo Dacwadooda loogu dhameenayo.
lama ogaan karo Sida ay noqon karto Xaalada Dadka Qaxootiga ee u badan Qoysaska kuwaasi oo hoy’aan ku heyso Dalka Britain.
Dhanka kale Xubno ka tirsan Barlaanka UK ayaa dhaliilay Qorshaha Dowlada ee Dadka Qaxootiga loogu dhoofinayo Dalka Ruwanda.