Home News in English Dowlada Sweden oo ku Dhawaaqday kordhinta Lacagta Kaalmada Sida Tan Waalidka ”...

Dowlada Sweden oo ku Dhawaaqday kordhinta Lacagta Kaalmada Sida Tan Waalidka ” Liiska Lacagaha la kordhinayo “

0
Foto: Marko Säävälä/ TT

Wasiirka amniga bulshada Ardalan Shkarabi ayaa shaaca ka qaaday in dadka hawlgabka ah ee dakhligoodu hooseeyo iyo dadka qaata kaalmada bukaanka ama gunnada hawlqabadka (sjuk- och aktivitetsersättning) ay heli doonaan lacag-bixinno dheeraad ah bilowga sanadka sababtuna tahay sicir bararka sareeyo.

Lacagta jirrada ee ugu badan iyo lacagta waalidka (sjuk och föräldraförsäkringen) ayaa sidoo kale laga dhigay ilaa 2700 karoon 1116 karoon maalintii.

SCB waxay dib u eegtay xisaabinteeda waxa loogu yeero prisbasbeloppet sanadka soo socda. Waa lacag uu maamulku dejiyo sannad kasta si loo ogaado heerka arrimo dhowr ah, oo ay ku jiraan kaalmada ardayda , hawlgabka dammaanad qaaday, iyo cashuur dhimis, waxaana loo xisaabiyaa qaddarka aasaasiga ah iyadoo loo eegayo heerka sicir bararka dalka.

Maamulka ayaa kor u qaaday lacagta aasaasiga ah oo ahayd 48,300 karoon sanadkan ilaa 52,500 karoon sanadka soo socda.

Dawladdu waxay ansixisay qaddarka lacagta saldhigga ah ee ay dejisay hay’addu, sidaas awgeed kuwa haysta dammaanadda hawlgabku waxay heli doonaan kordhinta ilaa 851 karoon bishii Janaayo ee soo socota. Tani waxay ka duwan tahay kororkii ay heleen bishii Ogosto, kaasoo gaaraya kun krone, taasoo ku jirta miisaaniyadda dowladda.

Lacagta jirrada ee ugu badan iyo lacagta waalidka (sjuk och föräldraförsäkringen) ayaa sidoo kale laga dhigay ilaa 2700 karoon 1116 karoon maalintii.

“Dadka qaata kaalmada jirrooyinka (sjukersättning) waxay qaadan doonaan 973 karoon oo dheeraad ah bishii, iyo gunnada bukaanka iyo hawl-qabadka (sjuk- och aktivitetsersättningen) ee ugu badan waxay kordhin doonaan 1698 kronor,” Shkarabi ayaa ku sheegay shir jaraa’id maanta.

Tani waxay khusaysaa bilawga sanadka. Ilaa wakhtigaas, dadka waxay ku qasbanaan doonaan inay la tacaalaan qiimaha sare iyaga oo aan kordhin dakhligooda. Si kastaba ha ahaatee, Shkarabi ayaa tilmaamay kororka hawlgabka bishii Ogosto ee la soo dhaafay.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay u diyaar garoobeyso sidii qoysaska looga ilaalin lahaa qarashka badan ee ku baxa korontada, si dadka ugu yar ee shaqada ka fariistay ay uga faa’ideystaan. Wadarta lacagta taageerada ah ayaa ah 90 bilyan oo karoon, sida ay dowladdu sheegtay. Soo jeedinta ayaa la filayaa in ay diyaar noqoto November 15.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here