Sweden waxaa sanadkan ka dhaceysa mid kamid ah doorashooyinka ugu muhiimsan Wadanka iyadoo ay jiraan Qodobo badan oo Xisbiyada soo bandhigeen si ay u helaan codadka codbixiyaasha.
ilaa labo qodob ayaa ah kuwa ay ka siman yihiin xisbiyada dalka ka jira kuwaasi oo kala ah Xalinta rabshada ka jira dalka iyo arimaha dhanka magangalyada.
Sanadkan waxay xisbiyada aad uga hadleen dhanka amaanka kadib dilalka ka dhacay wadanka iyo rabshada xiliga ciida ee wadanka sida aadka uga dhacay.
goobaha sida aadka dadka uga hadleen waxaa kamid ah dadka ku nool Linköping kuwaasi oo sheegay in loo baahanyahay xalinta iyo soo sarista ciqaab adag oo looga hortago kuwa geesta rabshadaha.
ilaa hada dhoor xisbi ayaa soo bandhigay balanqaadkooda dhanka doorashada hadii la doorto waxana ugu wayn ciqaab adag sida musaafurin kuwa lagu helo dambiyada.
qodobada kale waxaa ku xiga waxaa kamid ah dhanka canshuurta iyo arinta caafimaadka.