Home News in English Faraha iyo Sawiro Laga qaadayo Ajaanibta soo galeysa Xaduudaha Sweden” Dowlada oo...

Faraha iyo Sawiro Laga qaadayo Ajaanibta soo galeysa Xaduudaha Sweden” Dowlada oo soo bandhigay Sharci Cusub”

0
Johan Nilsson / TT

Dowladda Iswiidhan ayaa soo jeedisay in wax laga beddelo sharciga si loo waafajiyo sharciga Iswiidhan xeerarka xuduudaha Midowga Yurub iyo fiisaha.

Sharciga Cusub ayaa ah in faraha iyo sawiro laga qaado Ajaanibta Xaduudaha dalka soo galeysa.ö

Waxka bedelka ayaa waxaa ka mid ahaa shuruudo awood u siinaya mas’uuliyiinta Iswiidhan in ay baaraan xarunta macluumaadka dembiyada si loo aqoonsado qofka. 

Waxa kale oo ka mid ahaa in dadka ajaanibka ah lagu waajibiyo inay faraha ka qaadaan oo ay ku sawiraan xuduudaha marka ay soo galayaan dalka. Sida laga soo xigtay mareegaha dowladda.

Waxa la soo jeediyay in wax ka beddelku uu dhaqan galo maalinta xeerarka EU-du ay dhaqan galaan. 

Si kastaba ha ahaatee, taariikhdan weli lama cayimin, sidaas darteed waxa la soo jeediyay in wax ka beddelka sharciga uu dhaqan galo taariikhda ay xukuumaddu cayimeyso.

Bishii Maajo 2019, Midowga Yurub wuxuu qaatay laba xeer si loo fududeeyo xiriirka ka dhexeeya nidaamyada IT-ga ee Midowga Yurub, kaas oo loo yaqaan “is-dhex-galka”. 

Tani waxay la xiriirtaa nidaamyada loo isticmaalo dhinacyada xuduudaha iyo fiisaha, iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha booliiska iyo iskaashiga dhinaca caddaaladda dembiyada, marka lagu daro magangalyada iyo socdaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here