Haweeney iyo ilmo ayaa ku dhaawacmay toogasho ka dhacday meel u dhow beer lagu nasto oo ku taal xaafadda Årby ee Eskilstuna.
Labada qof ee dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaalka, balse maamulka caafimaadka ayaa sheegay in dhaawacooda uusan ahayn mid halis ah.
Toogashada ayaa ka dhacday meel banaan ah oo ku dhagan meel lagu ciyaaro caruurta. Sida ay warbaahinta u sheegeen waxaa jiray dad badan oo goobta ka ag dhawaa.
“Haweenayd ayaa qaylinaysay iyadoo taalla dhulka, waxaana la arkayay in bowdada lagaga dhuftay,” ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaasha. Marqaati kale ayaa yiri, “ma garanayo waxaan iraahdo, aad ayaan u baqayaa.”
boolisku goobta ku baaray diyaarado aan duuliye lahayn. Howlgal gaar ah oo ballaaran ayaa laga sameeyay deegaanka.
Wararka kale ee Maanta
AD