Home Wararka Caalamka Wadahadallo cusub oo la filayo inay dhex maraan Sweden, Finland iyo Turkiga

Wadahadallo cusub oo la filayo inay dhex maraan Sweden, Finland iyo Turkiga

0

Wakiilada Sweden iyo Finland ayaa la kulmi doona madaxda Turkiga wadahadal cusub 26ka Ogosto, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu sida uu sheegay wargeyska Ahval ee Turkiga.

Kadib markii dalalka Sweden iyo Finland ay gudbiyeen codsi ah inay ku biiraan ururka NATO, Turkey oo xubin ka ah isbahaysiga, ayaa ku dhawaaqday shuruudo ay ku beddeshay ansixinta hab-maamuuska xubinimada, oo ay ku jirto in loo gacan geliyo tiro dad ah oo loo arko “argagixiso”.

Dhamaadkii bishii June, Turkiga, Sweden iyo Finland ayaa saxiixay heshiis ay Sweden iyo Finland ku ballan qaadeen inaysan taageerin dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta iyo dhaqdhaqaaqa Gulen.

Wasaaradd arrimaha dibadda Sweden ayaa goor sii horeysay xaqiijisay in bisha Ogosto uu dhici doono wadahadal cusub oo u dhaxeeya labada dal.

Shalay oo Khamiis ahayd ayay ahayd markii dowladda Sweden ay go’aansatay in ay u gacan geliso muwaadin Turki ah oo ku jiray liiska dadka uu Turkigu codsanayo in loo gacan geliyo.

Ninkan ayaa lagu xukumay dalka Turkiga oo uu ku kacay wax isdaba marin. Maxkamada sare ee Iswiidhan ayaa go’aamisay in loo gacan geliyo Turkiga.

Shalay oo Khamiis ahayd, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa ku celiyay hadallo ku saabsan in Turkiga uusan arag tallaabo la taaban karo oo ka timid Sweden iyo Finland oo ku saabsan soo gacan gelinta dadka ay Ankara u aragto “argagixiso”, sida ay sheegtay TRT Haber channel oo taageerta dowladda

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here