Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in in ka badan 3.7 milyan oo Qaxooti reer Ukraine ah la siiyay sharci ilaalin ku meel gaadh ah oo ay ku joogaan Yurub tan iyo markii Ruushku galay Ukraine 24-kii February.
Poland waxa ay hoy siisay inta badan qaxoontiga Ukraine, qiyaastii 1.2 milyan.
Iswiidhan, ilaa 40,000 oo Ukraine ah ayaa la siiyay sharci ilaalin ah.
Ilaa hadda, ku dhawaad lix milyan oo qaxooti ah oo ka yimid Ukraine ayaa laga diiwaan geliyay Yurub, oo uu ku jiro Ruushka.
Waxayna Hay’adda Ilaalada Xuduudaha Poland xaqiijisay in tirada qaxootiga ka soo qaxay Ukraine ee gaadhay Poland ay kor u kacday 4,968 kun, tan iyo bilowgii hawlgalka milatariga Ruushka ee Ukraine.
Waxay tilmaantay in maalintii ugu horreysay ee Jimcihii ay 24,800 oo qof ka gudbeen xadka Poland, iyadoo xustay in 6,200 oo kale ay ka gudbeen.
Halka 3.045 milyan oo qaxooti ah ay dalka dib ugu laabteen Ukraine tan iyo bishii Febraayo ee la soo dhaafay.