Dacwad oogayaasha dalka Sweden ayaa haweeney 44 jir ah ku soo oogay isku day dil ka dib markii ay nin oday ah ku riixday jidka tareenka ee isteeshanka tareenada ee Stockholm .
Su’aalo waydiinteedii ugu horeysay ee ku saabsan ujeedkeeda, haweeneydu waxay tiri, “Waxay ahayd sababtoo ah wuxuu ahaa ‘madow’.” Su’aalaha xiga, haweeneydu waxay dafirtay inay tahay qofka ka soo muuqday sawirada ilaalada ee saldhigga tareenada. Inkastoo goobta lagu xiray.
Muuqaalo la duubay ayaa muujinaya ninka oo ku dhacaya wadada ka hor inta uusan si dhib ah uga soo bixin wadada.
“Aniga ahaan, dhacdada gabi ahaanba waa mid aan la fahmi karin,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud Daniel Johnson.
Dhacdadan oo ka dhacday xarunta Hökarängen ee koonfurta magaalada Stockholm ayaa soo bilaabatay 3-dii bishii July ee sanadkan, markaasoo nin oday ah oo ku sugayay tareen dhulka hoostiisa lagu tuuray halkaasi
Ninkan ayaa ka jabay gacanta waxana uu dhaawac kasoo gaaray Madaxda.