Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday inay lacagta u kordhisay Qoysaska caruurta leh ee qaata lacagta loo yaqaano Bostadsbirag.
Lacagta dowlada kordhisay ayaa ah mid qoysaska loogu kordhiyay ilaa boqolkiiba 25 lacagtii hore.
Dowlada ayaa intaasi ku dartay in qofka qaata lacagtaasi uusan u baahneyn inuu dalbado madama si toos ah loogu darayo lacagtii hore.
Go’aanada cusub ee la socda lacagta dheeriga ayaa ah mid kumeel gaar ah madama ay soconeyso ilaa bisha December ee isla sanadkan.
Dowlada ayaa wada qorshe ay ku caawineysa dadka qoysaska ah madama xaalad dhaqaalo ay wadanka ka jirto.
Bostadsbidrag ayaa ah lacag lagu kabo qoysaska heysta caruurta ee dhaqaalo ahaan aad u hooseeyo.
Wararka kale ee Maanta
AD