Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi ayaa khudbad uu ka jeediyay Baarlamaanka Qaranka ku sheegay inuu is casilayo, sida ay sheegtay warbaahinta Talyaaniga.
Arintan ayaa dhaceysa ka dib markii uu ku guul daraystay inuu helo taageeradii la rabay ee dawlad wadaag ah oo cusub. Draghi waxa uu hogaaminayey dawlad balaadhan oo lix xisbi ka kooban.
Waxa uu Khamiistii ina dhaaftay dhiibtay iscasilaadii ugu horeysay, ka dib markii uu taageero la’aan ka helay soo jeedin muhiim ah oo ka timid Dhaqdhaqaaqa Shanta Xiddig. Balse waxaa diiday madaxweyne Sergio Mattarella.
Arbacadii, wuxuu furay inuu sii joogo xafiiska ka dib markii uu taageero badan ka helay dalka oo dhan. Hase yeeshee codbixintii golaha guurtida fiidnimadii, saddex ka mid ah xisbiyada talada haya ayaa ka aamusay inay kalsooni cusub siiyaan xukuumadiisa.
Madaxweyne Mattarella ayay tahay inuu oggolaado iscasilaadda Draghi.