Home News in English Germalka oo badalaya Lacagta Ceyrta ee Dalka laga qaato

Germalka oo badalaya Lacagta Ceyrta ee Dalka laga qaato

0
(Photo: Bundesregierung/Steins)

Wasiirka shaqada ee dalkan Jarmalka Hubertus Heil wuxuu sheegay in sanadka soo socda ee 2023 bilawgiisa la bedeli doono gebi ahaanba lacagta Ceyrta ee loo yaqaano Hartz 4, waxaana lagu bedeli doonaa lacag dhaanta, kana nolol wanaagsan oo Bürgergeld la dhaho, micna ahaanna laga wado “Lacagta shacabka”.

Lacagta cusub cadad ahaan inta ay tahay bilahaan soo socda ayaa la dejin doonaa, baarlamaankana inta aanan Winterka la gaarin ayuu u codeyn doonaa, waxayna inbadan ka wanaagsan doontaa lacagta hadda ay Jobcenterada bixiyaan iA.

Dad khubaro oo xisaab dejin sameeyay ayaa waxay sheegeen, inay muhiim tahay in lacagtaasi ugu yaraan 678€ bishii laga dhigo, sababo sicir bararka jira iwm la xariira, balse weli dowladda go’aan ma gaarin, xisaabtaas dejinteedana way ku jirtaa.

Sidoo kale waxaa la siyaadin doonaa jaanisyada dadka ceyrta qaata ay wax ku baran karaan, shahaadooyin ku qaadan karaan, si shaqooyin wanaagsan ay u helaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here