Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Eritereeya oo ku noolaa magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa labo gabdhood oo dhalinyaro ah ku dhex dilay gurigooda kadib markii mid ka mid ah ay diiday inuu guursado.
Gacan ku dhiiglaha ayaa marar badan oo hore u hanjabay gabadha, taas oo ku qasabtay gabadha yar in ay booliska ku wargeliso, kuwaas oo iyaguna ninka dhalinyarada ah ka qaatay ballan ah in aanu guriga u soo dhowaanin ama aanu wax dhibaato ah u gaysan gabadha.
Laakin Sabtidii ina dhaaftay ayuu gacan ku dhiiglaha guriga labada hablood ula tagay qalab geedo lagu gooyo oo uu dilay.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in labada gabdhood oo lagu kala magacaabo Zahra iyo Yusra oo gurigooda lagu dilay ay ka soo jeedaan dalka Eritrea, waxayna degganaayeen guri ku yaalla afaafka hore ee Masjidka Al-Salam ee magaalada Elmshorn ee dalka Jarmalka .