Tirokoob ay soo saartay xarunta tirakoobka ee dalka Sweden ayaa muujisay koror ku yimid kiisaska furriinka ee Sweden sanadkii hore.
Marka loo eego tirooyinkan, in ka badan 23,600 oo codsiyo furiin ah ayaa la diiwaangeliyay 2021.
“Waxaan joognaa meel 2,000 oo furiin ay ka dhacaan bishii,” ayuu yiri Thomas Johansson, oo ah khabiir ka tirsan SSB .
Inta badan dadka sanadkii hore is furay ayaa da’doodu u dhaxeysay 35 ilaa 46 sano jir, taasoo ah da’da ugu badan ee furriinka dalka Iswiidan. Laakiin tan ugu yaabka badan ayaa ah diiwaanka kiisaska furriinka ee dadka ka weyn 85 da’da ama ka yar 18 sano.
Xaruntu waxay tilmaantay in celceliska guurka dadkan uu ka badan yahay 11 sano.
Tan iyo 1998, muddada guurku wax yar isma beddelin Sweden, wuxuuna degay inta u dhaxaysa 10 sano iyo in ka badan 12 sano.
Tirokoobyada ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jirto sabab kale oo keentay in guurku dhamaado oo ah dhimashada mid ka mid ah lamaanaha. Xaaladdan oo kale, guurkaas ayaa socday celcelis ahaan ilaa 47 sano.
Dhinaca kale kiisaska furriinka ee Sweden ayaa ah kuwo aad u badan marka loo eego wadamada kale, waxaana sabab u ah sida ay khubaradu sheegeen in ay jiraan wadamo waaweyn oo dadkoodu ku yar yihiin. Sidoo kale wadamada qaar lama aqbali karo furiinka sida ka dhacda Iswiidhan.